Raysal wasaare Xamse oo isku shaandheen ku sameeyay Golihiisa wasiirada

Muqdisho (RH)-Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn kooban iyo xil ka qaadis sameeyay, iyadoo Wasiirkii Batroolka C/risaaq Cumar oo ka mid ahaa gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh ahna ninkii haayay galka Shidaal baarista xilka uu ka qaaday, waxaana lagu bedelay Daahir Shire.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isku bedelay Wasiirka Haweenka iyo Deegaanka iyo isbedelka Cimilada, Gen Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe oo xilka Wasiirka Qoyska haayay loo magacaabay Wasiirka Deegaanka iyo Is bedelka Cimilada, halka Khadiija Makhzuumi loo magacaabay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Isku shaandheentan ayaa ku yimid iyadoo maalmahan uu taagnaa khilaaf u dhexeeyay wasiirka qoyska iyo ururka haweenka qaranka.

Sido kale wasiirka batroolka ee la beddalay ayaa ahaa wasiirkii heshiiska shidaalka baarista Turkiga la soo galay, mana cadda sida uu heshiiskaas u saameyn doono xil ka qaadistiisa.

Ninkan ayaa sidoo kale lagu tiriyaa dadka muhiimka ah madaxweynaha kana tirsanaa xisbigiisa UPD, sida ay lee yihiin dadka xeeldheerayaasha siyaasadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category