Goorma ayuu Raysal wasaare Xamse tegi doonaa Laasacanood?

Muqdisho (RH)-Magaalada Laasacaanood, oo xarun kumeel gaar u ah maamulka Khaatuma, waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee soo dhawaynta wafdi uu hoggaaminayo raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Ma jirto maalin rasmi ah oo la shaaciyay oo raysal wasaaraha tegi doono magaaladaas, balse ilo ka agdhow xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay in magaalada ay hadda gaareen ciidamo ilaalin doona amniga ra'iisal wasaaraha inta uu joogo halkaas.

Ra'iisal wasaaraha oo maanta ka hadlayay tegitaankiisa Laasacaanood, waxauu sheegay in booqashadiisa ay xoojin doonto xiriirka u dhexeeya DFS, midnimada dalka iyo maamulka Khaatumo, ayna wax u dhibi doonin maamul iyo dad kale oo Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

Haddii ra'iisal wasaare Xamse tego Laasacaanood, waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay oo ra'iisal wasaare Soomaali ah uu tego magaaladaas tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Radio Hormuud

Studio 3

Garowe-Puntland

Category