Akhriso: Doorka Suugaantu ku Leedahay Barbaarinta

Bulshooyinka ku nool dunida waxay leeyihiin dhaqamo, caadooyin, iyo suugaan gaar u ah.Kuwaas oo laga dheehdo qaabka lagu cabbiri karo nolosha, dhaqanka, iyo hiddaha ay bulshadaasi aaminsan tahay

Suugaantu waxay noqotaa dariiq ay bulshooyinku ugu gudbiyaan jiilasha soo koraya fikradaha, qiyamka, iyo hab-nololeedka.

Suugaanta carruurta oo ay ku jiraan “Heeesaha, sheeko xariirooyinka iyo ciyaaraha wadareedka, waa qayb muhiim ah oo ka mid ah hidaha iyo dhaqanka bulsho walba.

Waxay fure u tahay kobcinta garaadka, waana halka laga nafaqeeyo akhlaaqda, iyo dhaqanka ilmaha, iyadoo tiir u ah dhismaha aragtida ilmaha ee ku aaddan nolosha iyo xiriirka bulsheed.

Qormadan ayaa ah  qormo qaab cilmiyeed oogu lafogurayo suugaanta carruurta, waxaan diiradda ku saarayaa suugaanta Soomaalida ee ilmaha yaryar, gaar ahaan faa'iidada iyo dhibaatada ay leedahay kuwooda togan ama taban. Waxaan si gooni ah ugu falanqeyn doonaa sida suugaantu u saameyso barbaarinta ilmaha iyo guud ahaan bulshada. Sidii loo xoojin lahaa tabinta togan ee carruurta, si loo hagaajiyo hab-dhaqanka wanaagsan ku haga bulshadeena dhaqan iyo diinba.

Faa’iidada Suugaanta Togan ee Carruurta

Soomaalidu waa dad garaad ahaan sarreeya. Af Soomaaliguna  uu yahay af hodan ku ah suugaanta carruurta. Arrinkaas waxaa caddayn u ah, in  maanta waddamada horumaray ay ka hadlayaan barbaarinta togan ee ubadka, iyagoo bogaadinaya muhiimadda ay leedahay in lagala sheekaysto ilmaha dareen laxawga (Emotional intelligence) ee uu ku sugan yahay.  Waxaa soo baxaya in suugaanta carruurta ee Soomaalidu ay goor hore lahayd laxow-dhaadasho iyo in ilmaha lala dareen-waraysto. Jidka taa loo maraana waxay ahayd suugaanta carruurta lagu maaweeliyo.

Sida:

Hobeey, hobeeyaa, hobeeyaa

Hooyo maxaad weydood la waalan

Ma geelibaa arooray?

Arooro oon ku raagay;

Ma aabbaa kaa socdaalay

Socdaaloo safar ku raagay

Ma naaskiibaa gabnooday?

Gabnoodoo godal ka weyday;

Heestan hobeeyadu waxay tilmaamaysaa qiimaha ay leeyihiin waalidka, xoola iyo is- xogwaraysiga, taasoo muhiim u ah ilmaha lagu baro isbeddelka xaaladaha nolosha. Waa weydiimo ilmaha lagu barayo dulqaadka iyo tababar adkeysiga, marka noloshu adkaato.

Hobeeyada ayaa ka mid ah kuwa Soomaalida reer guuraaga ah ay kula hadlaan ubadka yaryar. 

Hooyo ayaa gudbinaysa farriimo muhiim ah oo la xiriira kaalinta hooyada, xoolaha iyo isku duubnida qoyska. Waxay tusaalaynaysaa xaaladaha nolosha ee xoola dhaqatonimada. Sidoo kale waxay sawir buuxa ka bixisaa aragtida iyo hab-dhaqanka qayb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Suugaanta Carruurta iyo Dhaqanka Bulshada

Waxay muujineysaa sida waalidka uu mid walba ugu kaalmeeyo carruurta. Aabbaha iyo hooyadu waxay ilmaha siinayaan xoolaha ay wataan (nirig iyo nayl) waxay muujineysa sida aan wax looga hagran ilmaha.

Miraha;  "Alla dheeriyaa oo dhuxusha ka madoobiyaa" ayaa ah tusaale farxadda iyo qanacsanaanta bulshadii hore. Waxay carruurta ku abuuraysay dareen kalsooni oo ku qotoma is-ahaanshaha, qaddarinta, dhaqanka iyo hodantinimada, iyagoo u arkayay in reerkoodu yahay mid isku filan oo wax walba u haya.

Hees carruureedka “Alla dheeriyaa

Alla dheeriyaa, oo dheeriyaa!

Dhuxusha ka madoobiyaa

Aabbahay baan arkaa

Hal iyo nirig buu wataa!

Hooyaday baan arkaa

Lax iyo nayl bay waddaa

Aabbe nirigtuu i siin.

Hooyo nayshay i siin

Alla dheeriyaa oo dheeriyaa oo

dhuxush ka madoobiyaa!

Waxay ka tarjumaysay dhaqankii Soomaalida ee ku saleysanaa kalsoonida iyo hodantinimada, iyadoo ilmaha tusaysay in qoysku yahay mid aan waxba ka hagran.

Suugaanta carruurta ee togan, waxay ilmaha ku abuureysay dareen ku saleysan kalsooni iyo is-aamin qofeed. Fariimaha tilmaamaya hantida, qabka, midab iyo muuqaalka. Waa caddahay in ay ku guntanaayeen isirkooda ayna kaalin weyn ka qaadatay kalsoonida bulshada. Waxaana halka ka xaqiiqasanynaa sababta ay Soomaalidii hore u ahaayeen dad han iyo qab leh.

 Murtida ku Jirta Dhaxalka iyo Barbaarinta Hooyada

Hooyooyinka Soomaaliyeed waxay saamayn weyn ku lahaayeen gudbinta suugaanta carruurta, gaar ahaan "hobeeyada" Heesaha hobeeyada qaarkood waxay si maldahan ugu gudbin jireen ilmaha farriimo xikmadeysan oo ku saabsan xiriirka qoyska iyo midka bulshada.

Tusaale ahaan, hooyada oo ilmaha ku baraysa suugaan xiriirka qoysnimo, guurka iyo

qaraabada, iyada oo aan toos u tilmaamin.

Hooyadu waxay tiraahdaa:

Haddaad gaadhood geyootid

Haddii Guulle yeelo (Haddii Guullahay uu yeelo)

Gabooboo gaatiyow wa

Gadh weyni u soo baxyow wa

Haddaad gaadhood gaboobin

Haddii guur kuu samaado

Gabooboo gaari maayee

Tolkey waa gobe ka guurso.

Xikmadda ku jirta farriintan waxay ku saabsan tahay in hooyadu dardaarmayso oo ay ilmaha ku xusuusinayso in xiriirka qoysnimo uusan go’in, xitaa haddii hooyadu aysan nolosha gaarin. Xikmadda iyo aqoonta ku jirta hobeeyadan waxay carruurta ka caawisaa inay fahmaan muhiimada uu leeyahay xiriirka qoysnimo iyo sidii loo sii wadi lahaa isku duubnida iyo qaraabada.

Dhibaatada Suugaanta Taban iyo Saameynta Tabban

Inkasta oo suugaanta togan ee carruurta ay qiimo aad u weyn u leedahay carruurta, haddana waxaa jira suugaan taban oo carruurta ku abuurta fikirro aan wanaagsanayn, cuqdado, iyo kala qaybsanaan bulsheed. Suugaanta tabani waxay carruurta ku dhiirrigelisaa colaado, takoorko, iyo in lagu barbaariyo habab aan habboonayn.

 Heesaha iyo suugaanta carruurta ee taban, gaar ahaan kuwa sida tooska ah ama dadban u taabanaya dhimasho, colaad, iyo cabsi, waxay saameyn xun ku yeeshaan barbaarinta ilmaha. Sida hees carruureedka (Hooyadaa ma joogto)

Hooyadaa ma joogto

Kor iyo koofur aaday

Kabaheeda iilatay? (Illatay)

Kabaxkabax u socotay

Geel jire helyaa mooyi

Geed seexataa mooyi

Goor hore iilataa mooyi

Heestan waxay si toos ah u taabanaysaa qalbiga ilmaha iyada oo ka hadlaysa maqnaanshaha iyo suurtogalnimada dhimashada hooyada, taas oo carruurta yar yar ku abuuri karta cabsi aad u weyn iyo dareen lumis ah. Heestu waxay tilmaamaysaa in hooyada ay tagtay meel aan la aqoon kor iyo koofur, ama xitaa geeljire helay oo dhibaateeyey ama qabriga ay u jihaysatay. Heestan waxay ku reebi kartaa ilmaha dhibaatada nuglaysa oo uu la noolaado, taasoo saamayn weyn ku yeelan karta horumarka maskaxeed iyo dareenkiisa.

 Saamaynta Taban ee Colaadda iyo Aarsiga

"Heesta; Ayaa dilay oo dagaalay?"

Ayaa dilay oo dagaalay?

Ayaa duur kulul ku jiiday?

Ninkii dilay ee dagaalay

Ninkii dakharada ku jiiday

Dagaalbaa naga dhaxeeya

Dabkana kala qaadanmaynno

Dab iyo qoolbaan u qaadan.

Hees carruureedkan ku saabsan dagaalka iyo aarsiga waxay si toos ah carruurta u baraysaa ku dhaqanka colaad iyo dilka taas oo noqon karta mid waxyeello u leh horumarka ilmaha. Saamaynta taban ee heestan waxaa ka mid noqon kara:

- Dhiirrigelinta Dagaalka iyo Aarsiga

 Heesta waxay ka hadlaysaa dil, dagaal iyo dab aan kala go'i doonin. Fikradani waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa in xalinta khilaafaadka loo adeegsado dagaal iyo aarsi, taas oo ah fikrad taban oo carqabad ku ah in bulshadeenu noqoto mid caafimaad qabta. 

Dhallinta  ku fikiraysa in dagaal iyo aarsi ay yihiin habka loo xalliyo dhibaatooyinka waxay salka ku

haysaa suugaantan, waxayna keentay in ay ku weynaadeen qallayf, macangagnimo iyo in aanay awoodin in ay is xakameeyaan caradooda qaabbb wada hadal ah. 

Suugaan carruureedkan waxaa ku xusan rabitaanka aarsiga iyo in dab iyo qool la isu qaato. Waxay ilmuhu la qabsan karaan fikradahaan taban, iyaga oo ka maarmi doona nabadda iyo is fahamka. '

Carruurta sida joogtada ah u maqasha

suugaan noocan ah waxay qayb ka tahay, dhaqanka qalalaasaha iyo isku dhaca, iyagoo raadinaya xalal xoog ku saleysan halkii ay ka raadin lahaayeen wadahadal iyo is afgarad.

 Ciyaar wadareed salka ku haya takoor

Maadaama aan ka soo hadalnay qaabka hooyadu ugu maldahday in wiilkeedu uu ka guursado tolkeed, waxaan hadda ku eegeynaa sida magaallooyinka qaar ciyaaraha suugtaanta carruurta ay ugu jirto takoor maldahan.

Hees ciyaareedka kuukuun:

Kuukuun lammina,

Lammina tabaaraka

Siyeedaa muunika,

Yekeyaa wecelaa baxaya

Hees ciyaareedkan waxay carruurta ku abuuri kartaa cuqdad, marka ilmuhu uu ka baxo ciyaarta dabcan kuma faraxsana oo in uu sii wato wuu jeclaanlahaa, balse erayga la raaciyey iyo ka saarista ciyaarta oo wadajir ah, haddii aan si qoto dheer u qiimeeyno waxay noqoneysa mid takoor ah.

Takoorka iyo xaqiraadda noocan ahi waxay saameyn weyn ku leedahay nafsadda ilmaha, iyada oo waxyeello u geysanaysa kalsoonida ilmaha iyo in uu si dabiici ah ugu dhex jiro bulshada.

Gunaanadka

1. Xoojinta fikirka iyo dareenka togan

Erayada wanaagsan waxay carruurta ku dhiirigeliyaan in ay yeeshaan fikir iyo dareen togan. Carruurta waxay baranayaan in ay ku fakaraan qaab wanaagsan, isla markaana ka fogaadaan fikirka xun ee keeni kara walwal ama cabsi. Taas beddelkeeda, waxay kor u qaadaysaa caafimaadka maskaxda iyo nolosha carruurta.  

Qaabka aan ku beddeli karno heesta hooyo ma joogto.

“Hooyadaa waa joogtaa

Kabaheedii waa kuwaan

Gurigeey kula joogtaa

Caanay ku keeneysaa

Calooshay kuu buuxini

Ciyaarna waad heleysaa”

Kuukuun lammina,

Lammina tabaaraka

Siyeedaa muunika,

Yekeyaa wecelaa (Fariidaa) baxaya

2. Horumarinta xirfadaha is dhexgalka bulshada

Wadahadalka oo loo aqoonsado xal

Suugaanta oo laga saaro erayada dhiirigelinaya colaada, aarsiga iyo in xalku uu yahay dil.

Waxaa kor loogu qaadi karaa hab-dhaqan bulsho oo wanaagsan, in la abuuro suugaan dhiirigelinaya nabadda, wada hadalka, wada-noolaanshaha, iyo isku duubnida. Erayada togan waxay dhiirrigelinayaan in carruurtu si wanaagsan ula dhaqmaan dadka kale iyo deegaankooda. Dhiirigelinta kobaca garaadka togan. 

Soo saarista suugaanta ku saleysan erayo iyo fikrado togan, taasoo caawineysaa carruurta in ay si hufan u fekeraan, isla markaana ay yeeshaan hal-abuur iyo maskax furfuran.  Tani waxay gacan ka geysaneysaa koritaanka garaadkooda iyadoo kobcineysa awoodaha kala duwan ee maskaxda sida fahamka, xasuusta, iyo hibada waxqabadka wanaagsan.

3. Soo saaridda jiil leh hogaamin iyo xilkasnimo

Suugaanta oo carruurta loogu tala galay aan lagu darin erayo ama dhaqammo aan wanaagsaneyn waxay ku caawinaysaa in la soo saaro jiil leh hogaamin iyo masuuliyad.  Erayada wanaagsan waxay carruurta bareyaan in ay noqdaan dad xilkas ah,  doonaya wanaagga bulshada iyo mustaqbalkooda. 

Gebogebadii, suugaanta carruurta waa in lagu saleeyaa erayo iyo aragtiyo kor u qaada diinta, dhaqanka iyo tarbiyada wanaagsan. Marka erayada aan habboonayn laga saaro suugaanta, carruurtu waxay helayaan madadaalo iyo waxbarasho isku dhex jirta oo ku saleysan abaabin togan. Tani waxay kaalin muhiim ah ka qaadaneysaa soo saarista bulsho leh dabeecad iyo dhaqan wanaagsan.

Talo soo jeedin :

● Waa in laga tashadaa sidii suugaanta carruurta kor loogu qaadi lahaa, si loo helo bulsho leh saldhig barbaarineed oo wanaagsan.

● Waa in lagu dadaalo in carruurta laga fogeeyo suugaanta taban, lana dhiirrigeliyo in loo akhriyo, loo sheego, loona curiyo suugan togan oo wanaag, is jaceyl iyo isku duubni abuuri karta.

● Hooyooyinka iyo waalidiinta in ay door weyn ah ka qaataan gudbinta

suugaanta togan ee carruurta, maadaama ay yihiin hormuudka barbaarinta ubadka, taasoo, haddii si wanaagsan loo adeegsado, waxa weyn ka beddeli karta qaabdhiska ummadeena, isla markaasna suurtaggelineysa dhismaha bulsho caafimaad qabta oo carruurteedu ku barbaaraan hab-dhaqan wanaagsan iyo fikrado badqaba.

Qaddarin.

W.Q: Nimco Noor

Qoraa una ololaysa Afka Hooyo

Category