Denmark: Dibu habeynta lagu sameeyay lacagta caydha

RH: Dib-u-habeyntii ugu dambeysay ee nidaamka kaalmada lacagta caddaanka ah (kontanthjælp), taasoo la ansixiyay Diseembar 2024, ayaa horseedaysa isbeddello waaweyn oo ku saabsan nidaamka kaalmada bulshada ee dalka Denmark. Dib-u-habeyntani waxay wadataa shuruudo cusub oo adag oo la xiriira xaq-u-yeelashada kaalmada, waajibaad shaqo oo ku saabsan kooxo gaar ah, iyo qaab cusub oo lagu xisaabinayo heerarka lacagta la siinayo dadka. Ujeeddada ugu weyn ee dib-u-habeyntu waa in la xoojiyo isku-xirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka, iyo in kor loo qaado tirada muwaadiniinta shaqada ku jira.

Qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in muwaadiniintu ay tahay inay dalka Danmark ku noolaayeen ugu yaraan 9 ka mid ah 10-kii sano ee ugu dambeeyay, isla markaana ay shaqo waqti-buuxa ah soo qabteen ugu yaraan 2.5 sano, si ay ugu qalmaan inay helaan heerka ugu sarreeya ee kaalmada bulshada (kontanthjælp). Kuwa aan buuxin karin shuruudahan waxay noqonayaan kuwo lagu waajibiyo inay qabtaan shaqooyin cayiman, iyadoo arrintan la filayo inay saamayn gaar ah ku yeelato dadka ka soo jeeda waddamada aan reer-galbeedka ahayn.

Dib-u-habeyntu waxay wajahday dhaliilo kala duwan. Machadka Xuquuqda Aadanaha (Institut for Menneskerettigheder) ayaa walaac ka muujiyay in sharciyadan cusub ay si dadban u horseedi karaan takoorka ku salaysan asal-qowmiyeedka dadka. Hay’adaha arrimaha bulshada ka shaqeeyaa waxay sidoo kale ka digeen in kooxaha nugul, gaar ahaan dadka qaba xanuunnada dhimirka, ay halis ugu jiraan saboolnimo iyo hoy-la’aan sii kordha.

Dhinaca kale, dib-u-habeyntu waxay sidoo kale wadataa tallaabooyin taageero ah, gaar ahaan loogu talagalay qoysaska carruurta leh ee kaalmada bulshada qaata. Waxaa si rasmi ah loo soo kordhiyay kaalmo lacag dheeraad ah oo joogto ah oo carruurta loo siinayo (børnetillæg), iyo kaalmo loogu talagalay waxqabadyada waqtiga firaaqada ah (fritidstillæg), taasoo ujeedkeedu yahay in carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ahi ay helaan fursado wanaagsan oo ay kaga qayb qaataan hawlaha firaaqada, sida dhiggooda kale.

Guud ahaan marka la eego, dib-u-habeyntu waxay ka kooban tahay tallaabooyin adag iyo kuwo taageero ah labadaba. Inkastoo qoysaska carruurtu leeyihiin ay heli karaan xaalad dhaqaale oo ka wanaagsan sidii hore, haddana waxay dib-u-habeyntani abuuri kartaa caqabado waaweyn oo haysta dadka soo galootiga ah ee aan ka imaan waddamada reer galbeedka iyo sidoo kale dadka qaba xanuunnada dhimirka.

Category