Xasan Sheekh oo xaqiijiyay Soomaaliya inay qayb ka tahay isbahaysiga la dagaallamaya Xuutiyiinta

Nairobi (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat ee dalka Sacuudiga ayaa ka hadlay dagaalka dowladiisa ay kula jirto Al Shabaab iyo howgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Madaxweyne Xasan, wuxuu markii u horreysay shaaca ka qaaday inay Soomaaliya qeyb ka tahay isbahaysiga Carabta ee la-dagaallanka Xuutiyiinta oo ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta , isagoo intaa ku daray inay dawladda Sacuudiga ku garab-taaganyihiin dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta. Inta uu ku jiray Madaxweyne Xasan, hadal uu siiyay wargeyska Sacuudiga laga leeyahay ee Asharq Al-Awsat , wuxuu sidoo kale sheegay in ujeeddada dhaqdhaqaaqa kooxaha AS iyo Daacish ee gudaha Soomaaliya la xiriirto sidii ay u qabsan lahaayeen xeebaha badda cas iyo badweynta Hindiya, iyagoo tan ku taageerraya Xuutiyiinta Yemen.

Madaxweyne Xasan, wuxuu iskudayay muddo xileedkiisii hore inuu ciidamo ku biiriyo isbahaysiga ay dhiseen Sacuudiga iyo Imaaraadka ee gudaha Yemen kula dagaallamayay Xuutiyiinta , markaa oo aysan suragelin, taa beddelkeeda waxay Soomaaliya xiriirka u jartay Iran oo Sacuudiga uu xiriirka ugu jaray , isagoo ku eedeynaya inay taageerto Xuutiyiinta , balse isbahaysiga ma noqon mid gaara ujeeddooyinkiisa, waxayna natiijada noqotay in waqtigan la soo gaaro Xuutiga inay helaan awood ka sareysa markii howlgalka isbahaysigaa uu bilowday, taa oo ku riixday inuu Sacuudiga wax ka beddelo siyaasadiisa, wuxuuna soo celiyay xiriirka Iran , markaa oo Riyadh ay sidoo kale ka mamnuucday Mareykanka inuu Xuutiyiinta ka weerarro saldhigyada iyo hawada Sacuudiga, si ay u xaqiijiyaan inay meesha ka saareen cadaawada Xuutiga.

“Hay'adaha amniga ee Soomaaliya waxay xaqiijiyeen in xiriir joogto ah uu ka dhaxeeyo Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha AS iyo Daacish ee Soomaaliya, oo ay isku dhaafsadeen hub iyo khibrad….Waxaan gacanta ku dhignay hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo kasoo gudbay Yemen, waxaana sidoo kale qabannay shabakadihii kala gudbinayay.”

Toddobaadkii hore, wasiirka difaaca Sacuudiga Khalid Bin Salman Bin Abdulaziz, ayaa booqday Tehran , isagoo geeyay farriin uu ka siday dhaxal sugaha boqorka, Maxamed Bin Salmaan, si sare loogu qaado xiriirka Sacuudiga iyo Iran oo lagu soo celiyay wada-xaajood uu sannadkii 2023 ,dhex dhexaadiyay Shiinaha, tan oo ka dhigan hadalka madaxweyne Xasan uu ku raadinayo taageerrada Sacuudiga, inuu ku soo aadday xilli uu isbeddel ku yimid siyaasadda Sacuudiga ee ka dhanka Xuutiga.

W/Q:Iimaan Jaamac

Saxafi madax bannaan

Category