Nairobi (RH)-Cilmi baadhis cusub oo ay samaysay xarunta cilmi baadhista ee Pew ayaa lagu ogaaday in wadamada Saxaraha ka hooseeya ee qaaradda Afrika ay Yurub ka qaateen kaalinta wadamada ugu badan ee ay ku noolyahiin dadka Kiristaanka ah.
Sida lagu sheegay warbixinta Pew, xaaladdan ayaa ah mid ka dhalatay dhalashadii badan ee dadka aaminsan diinta ee Afrika ku nool, halka kuwa raacsan ee ku nool Yurub ay hoos u dhacayaan iyadoo lala xidhiidhiyay ka bixistooda diinta.