Erdogan oo booqan doona Soomaaliya iyo Itoobiya sannadka 2025

Nairobi (RH)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu booqasho ku kala tegi doono Itoobiya iyo Soomaaliya, billowga sannadka cusub ee na soo aadan 2025-ka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, oo horrey loo oron jiray Twitterka, ayuu ku yiri ‘“Waxaan booqan doonaa Itoobiya iyo Soomaaliya labada bilood ee ugu horreeya sannadka cusub,”.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo labada dal ee dariska ah ee ku yaalla Geeska Afrika ay heshiis ku gaareen magaalada Ankara 11-kii Bishan December.

Heshiiskan ayaa waxaa kaalin wayn ku lahaa madaxweyne Erdogan, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid taarikhi ah oo dan u ah labada dal.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in kulankii dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa mid soo afjaray khilaafka u dhexeeyay labada dal, kaasoo billowday horaantiis sannadkan xilligaas oo Itoobiya oo aan bad lahayn ay heshiis la gashay Somaliland si looga kireeyo dekad xeebeed iyo saldhig ciidan.
 

Somaliland oo sheegtay in ay ka go'day Soomaaliya 1991-dii ayaa heshiiskaas Itoobiya lagu siinayay ictiraaf rasmi ah, walow illaa hadda xukuumadda Addis Ababa aysan sheegin arrintaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan oggolaan doonin heshiiskaas waxaana ay ku tilmaamtay mid meel uga dhacaya madax banaanineeda iyo qaranimadeeda.

Turkiga ayaa qabtay saddex wareeg oo dhex dhexaadin ah iyadoo labo wareeg ka mid ah wadahadalladaas lagu soo afjarayay khilaafka uu ka dhcay Ankara.

Heshiiskaas ayaa Turkiga waxa uu ammaan kaga helay Midowga Afrika, Washington iyo Mowga Yurub.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhowr jeer yimid Soomaaliya, waxaana dalkiisa tan iyo sannadkii 2011-kii uu xoojinayay xiriirka uu la lee yahay dalkeenna.

Turkiga ayaa ka furtay caasimadda Safaarad iyo saldhig ciidan kii ugu horreeyay ee noociisa ah meel ka baxsan dalkisa, waxaana xoogeesanaya xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category