Washington, DC (RH|)-Waxaa xaley dalka Mareykanka si rasmi ah ugadhaqan galay sharci mamnuucaya TikTok oo laga saaray hawada, taaso la macno ah in hadda aadan gudaha Mareykanka ku isticmaali karin TikTok.
Sidoo kale shirkaddaha Apple iyo Google waxay TikTok ka saareen adeegyadooda, iyagoo u hogaansamaayo mamnuucida.
Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka dagaayo, Joe Biden ayaa saxiixay sharciga lagu mamnuucay TikTok bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaana loo soo jeediyay shirkadda iska leh App-kaan inay ka iibiso shirkad aan Shiineys ahayn ama laga mamnuuci doono wadanka Mareykanka marka la gaaro caawa oo Axadda ah taariikhduna ay ku beegan tahay January 18, 2025.
Jimcihii, Maxkamadda Sare ee Mareykanka waxay taageertay mamnuucida TikTok laga bilaabo Axadda haddii aan la iibin.
Madaxweynaha la doortay Donald Trump oo maalin ka dib isniinta soo socoto xilka la wareegi doono ayaa Sabtidii Wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay NBC News wuxuu ku sheegay, in uu TikTok siin doono 90 maalmood oo dheeri ah si looga fogaado mamnuucid.
Maamulaha guud ee TikTok, Shou Chew ayaa la filayaa inuu ka soo qayb galo xafladda caleema saarka Trump Isniinta, isagoo ay weheliyaan madaxda kale ee teknolojiyadda.
TikTok, waxaa iska leh shirkadda internetka Shiinaha ee ByteDance, Mareykankuna wuxuu ku eedeynayaa hubanti la’aan dhanka xogta ah.
W/Q@ Najax Maxamed Cali