
Garowe (RH)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland, Dr. Maryan Axmed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskeeda ku qaabishay wiil yer oo u dhashay dalka Yemen kaasoo shaley goob fagaare ah oo ku taalla Garowe uu ul u kutumay askari ka tirsan ciidamada ammaanka.
Arrintaas oo si wayn loogu baahiyay baraha bulshada, ayaa markii dambe askariga la soo xiray, waxaana la filayaa in dhawaan maxkamad la soo taago, sida saxaafadda gudaha ku warrantey.
Haddaba, wiilka yer ee u dhashay dalka Yemen oo la dhaho Maxamed Yare iyo waalidkiisa ayaa maanta wasiirka hawenka Puntland ay la kulantey, waxaana ay sheegtay in ay ka xun tahay falkii lagula kacay.



Radio Hormuud
Studio 3
Garowe-Somalia