Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saxeexay Buugga Tacsida Ee Madaxweynihii  Geeriyooday Ee Imaaraadka.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno uu hoggaaminayo oo katirsan goleyaasha kala duwan ee Qaranka, ayaa maanta safaaradda ay dalka isu-tagga  Imaaraadka carabtu ku leeyihiin gudaha Somaliland kusoo saxeexay buugga tacsida ee madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Marxuum Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan geeriyooday.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan  madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali, Gudoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) xildhibaanno iyo  xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa maanta saxeexay buugga tacsida oo ka furan safaaradda dalka Imaaraadka ee Somaliland, waxana halkaas ku qaabilay safiirka safaaradda iyo diblomaasiyiin kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore tacsi la xidhiidha geerida madaxweynihii Imaaraadka ugu diray madaxda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Category