Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo gaaray heshiis is afgarad ah

RH: Madaxda labada dal ayaa waxay ka wadahadleen xiriirka labada dal, iyadoo diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga.

Sacuudi Arabia ayaa bogaadisay dadaallada Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan la dagaallanka ururada argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay taageero caalami ah oo ku aaddan dadaalladaas.

Boqortooyada Sacuudiga waxay taageertay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ee uu ka qaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, tallaabadaas oo Sacuudigu uu sheegay in loo arkay inay muhiim u tahay dhismaha ciidamada ammaanka Soomaaliya oo awood u yeelanaya inay sugaan nabadda kadib bixitaanka ciidamada ATMIS.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa soo dhaweeyay go’aanka Soomaaliya looga cafiyay deymaha lagu leeyahay.

Dowladda Sacuudiga ayaa dhinaca kale walaac ka muujisay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, taasoo ay sheegtay inuu xad gudub ku yahay madaxbannaanida Soomaaliya sida lagu sheegay warkaas kasoo baxay xukuumada Soomaaliya.

Category